Siyaasadda Asturnaanta

Sida aan u ilaalino xogtaada iyo asturnaantaada.

Nidaamka HantiDhowre waxaa loo dhisay inuu u adeego ganacsigaaga si hufan, annagoo dammaanad-qaadayna in xogtaada iyo tan macaamiishaada ay tahay hanti kuu gaar ah oo ammaan ah.

1. Mulkiyadda iyo Madax-bannaanida Xogta

  • Xogtu waa Hantidaada: Dhammaan xogta deynta, invoisyada, iyo macluumaadka macaamiisha waa hanti kuu gaar ah. HantiDhowre marnaba ma laha, ma aqriyo, mana farageliyo xogtaas.
  • Kala-soocnaan Buuxda (Multi-Tenancy):Ganacsi kasta wuxuu leeyahay database si adag u xiran oo ka go'an ganacsiyada kale. Ma jiri karto cid saddexaad ama shirkad kale oo arki karta ama akhrisan karta xogtaada.

2. Doorka Nidaamka (Data Processing Only)

Nidaamku ma ururiyo xog si uu u keydsado, laakiin kaliya wuxuu u fuliyaa shaqooyinka aad adigu amarto, sida:

  • Xisaabinta dakhliga iyo baaqiga deynta ee ganacsigaaga gudihiisa.
  • La socoshada alaabta bakhaarka ka go'dey, alaabta dhacdey, alaabta faa'idada badan iyo mida socodka badan.
  • U gudbinta fariimaha ogeysiiska ah aaladda WhatsApp-ka marka aad adigu badhanka riixdo.

3. Xuquuqdaada Tirtirista iyo Wax Ka Badelka Xogta

Waxaad leedahay xaqqa buuxa ee aad ku beddeli karto ama u tirtiri karto xog kasta. Markii aad xog tirtirto ama aad ka dhigto VOID, nidaamku si joogto ah ayuu meesha uga saarayaa miisaankeedii xisaabeed.

4. Mas'uuliyadda KobocTech iyo Dhanka Amniga

  • Fahamka Adeegga Culus: Shirkadda KobocTech waxay si buuxda u aqoonsan tahay in maamulka maaliyadda iyo hantidhowrka ganacsiyadu ay tahay mas'uuliyad aad u culus oo xasaasi ah. Sidaas darteed, ilaalinta bedqabka xogtaada waxaan u aqoonsanahay waajibaadka ugu mudan ee na saaran.
  • Nidaam Security oo Aad U Adag: Si loo dammaanad-qaado mas'uuliyaddaas, KobocTech waxay nidaamka HantiDhowre ku dhistay qaab-dhismeed amni (Security Architecture) oo aad u adag, kaas oo isticmaala xannibaado dhowr lakab ah (Multi-layered Firewalls), sir-gaddis adag (Advanced Data Encryption), iyo baaritaanno joogto ah oo loogu talagalay in lagu khalkhal-geliyo isku-day kasta oo dibadda ka yimaada.

5. Xannibaadda iyo Ilaalinta Cidda Saddexaad (Third-Party Restrictions)

  • Marnaba La Ma Wadaago: Shirkadda KobocTech iyo nidaamka HantiDhowre marnaba ma iibiyaan, ma kireeyaan, mana la wadaagaan xogta ganacsigaaga iyo tan macaamiishaada midna hay'ad, shirkad kale, ama cid saddexaad oo ka baxsan nidaamka.
  • Xog-Abaabulka API-yada: Xogta kaliya ee loo gudbiyo adeegyada dibadda waa tan aad adigu fasaxdo si hawshu u fuli karto, sida dirista fariinta WhatsApp-ka, iyadoo xogtaasna loo gudbiyo qaab sugan (Secure API Call) oo aan cid kale dhexda ka aqrin karin.
  • Dammaanad-qaadka Shaqaalaha:Dhammaan horumariyayaasha iyo shaqaalaha farsamada ee KobocTech waxaa ku waajib ah heshiis adag oo dhinaca ilaalinta sirtda ah (Non-Disclosure Agreement), kaas oo ka mamnuucaya inay arkaan, baaraan, ama wax ka beddelaan xogta dhex taal database-yada ganacsiyada shirkadaha.