Ku soo dhawaada nidaamka HantiDhowre. Isticmaalka aad isticmaasho softweerkan wuxuu ku xiran yahay inaad ogolaato oo aad u hoggaansanto qodobada iyo heshiisyada hoos ku xusan. Fadlan si xeeldheer u aqri ka hor inta aadan bilaabin adeegga.
1. Aqbalaadda Shuruudaha
Markaad iska diiwaangeliso ama aad isticmaasho nanti HantiDhowre, waxaad si buuxda u aqbalaysaa heshiiskan. Haddii aad metesho shirkad ama ganacsi, heshiisku wuxuu si sharci ah u qabanayaa ganacsigaas oo dhan.
2. Mas'uuliyadda Akoonka iyo Amniga Gacantaada
- Amniga Password-ka: In kasta oo KobocTech ay bixiso nidaam security oo aad u adag, adiga ayaa ka mas'uul ah ilaalinta furayaashaada (Passwords) iyo cidda u fasaxan inay gasho dashboard-kaaga.
- Xogta Shaqaalaha: Ganacsigu wuxuu mas'uul ka yahay ficil kasta oo ay sameeyaan shaqaalihiisa loo abuuray akoonnada (Data Entry ama Koontaroolayaasha), sida haddii ay si manual ah u xareeyaan xog ama ay tirtiraan.
3. Adeegga iyo Bedqabka Xisaabaadka (Software Operations)
- Farsamada Xogta (Data Processing): Nidaamku wuxuu xisaabiyaa oo kaliya xogta aad adigu geliso. HantiDhowre mas'uul kama aha khaladaadka xisaabeed ee ka dhasha haddii qofka shaqalaha ah uu si khaldan u weeleeyo deynta ama lacag-bixinta.
- Xogta la Baabi'iyey (Void Transactions): Marka transakshan laga dhigo VOID, miisaankiisa dhaqaale wuxuu noqonayaa eber (0.00). Ganacsigu waa inuu hubiyaa in ficilkaas loo sameeyey si ula kac ah si uusan u saameyn hantidhowrkooda rasmiga ah.
4. Xuquuqda Hal-abuurka (Intellectual Property)
- Dhammaan koodhka, naqshadda (UI/UX), logada, iyo qaab-dhismeedka nidaamka HantiDhowre waxaa leh oo u gaar ah shirkadda KobocTech.
- Waa mamnuuc in la koobiyeeyo, la jebiyo, ama dib loo iibiyo qayb ka mid ah softweerka iyadoo aan oggolaansho qoraal ah laga helin maamulka KobocTech.
5. Joojinta Adeegga (Termination)
- Waxaad xaq u leedahay inaad joojiso isticmaalka adeegga xilli kasta oo aad rabto.
- KobocTech waxay xaq u leedahay inay xirto ama hakin ku sameyso akoonka ganacsi kasta oo ku xadgudba amniga nidaamka, isku dayg hantidhowr khaldan oo ula kac ah, ama jebiya qodobada heshiiskan.